Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshadaha Ukraine oo Weli Socda


Kiev Protests
Kiev Protests
Dad goobjoogeyaal ah oo ku sugan caasimadda dalka Ukraine ee Kiev ayaa sheegaya in 22 qof lagu dilay rabshado dhexmarey dadka dhigaya banaanbaxyada dowladda looga soo horjeedo iyo booliska, saacado kadib markii Madaxweyne Viktor Yanukovych uu ku dhawaaqey heshiis xabbad joojin ah oo uu la gaarey hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Qaar ka mid ah dadka la dilay ayaa lagu soo waramayaa inay toogteen ciidamada dowladda ee sida qarsoon dadka u toogta. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ukraine ayaa sheegtey in saddex ka tirsan ciidamada booliska la dilay maanta. Waxay wasaaraddu intaa ku dartey in ilaa 50 ka tirsan ciidamada booliska la dhigay isbitaalada, 30 ka mid ahna ay qabaan dhaawacyo rasaas.

Iska-Horimaadyada u dhexeeya Boliiska iyo dadka mudaaharaadaya ayaa ka sii daray toddobaadkan .

Rabashadaha ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay oo isbitaallada la dhigay 300 oo qof oo ay ku jiraan 88 saraakiil boolis ah, lix wariye iyo xubin baarlamaan.

Dalalka Mareykanka, Germany iyo Faransiiska ayaa waxay soo saareen shalay bayaano ay ku cambaareynayaan gacan ka hadalka Ukraine.
XS
SM
MD
LG