Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sucuudiga oo Tarxiilay 12,000 oo Soomaali ah


Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay shalay ka soo saartay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku sheegtay in laga soo bilaabo 1dii bishii January ee sanadkan ay dawladda Sucuudi Careebiya mustaafurisay dad Soomaali ah oo ay tiradoodu ka badan tahay 12 kun oo qof. Hay’adda ayaa sheegtay in dadkan ay ku jireen boqolaal dumar iyo caruur ah, iyada oo dawladda Sucuudigu ayna eegin xaalada qaxootinimo ee dadkaas.

Dhinaca kale, waxa wali xabsiyada dalka Sucuudiga ku sugan tiro aad u badan oo Soomaali iyo dad kaleba leh oo iyaguna sugaya in dalalkoodii lagu celiyo.

Xaaladaha xabsiga ayaa la sheegayaa in ay aad u adkaanayaan marmarba marka ka dambeysa.

Haddaba warbixin ku saabsan Soomaali la soo mustaafuriyey iyo dadaalada dawladda Somalia, ayaa waxa inoo diyaariyey Maxamed Cabdi Sandhere.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:10:04 0:00
XS
SM
MD
LG