Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo Dilay Madaxii Nabadgaliyada Jubbooyinka


Maleeshiyada al-Shabaab
Maleeshiyada al-Shabaab
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay dilka Madaxii Nabadd-sugidda ee maamulka KMG ee Jubbooyinka.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Ciise Kaambooni ayaa habeenkii xalay lagu dilay magaalada Kismaayo.

Weerarka lagu dilay sarkaalkaas ayaa waxa kale oo ku dhintay 2 askari oo ilaaladiisa ahaa.

Sarkaalka la dilay ayaa saaka lagu aasay isla magaalada Kismaayo.
Maamulka KMG ee Jubbooyinka ayaan illaa imika ka hadal dilka madaxa nabad sugidda, iyada oo marar kala duwan oo aan la xidhiidhnay ay noo suurtagali wayday inaanu khadka tilifoonka ku helno.
XS
SM
MD
LG