Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Lavrov oo Cambaareeyey Midowga Yurub


Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Lavrov oo gacan qaadaya dhiggiisa dalka Jarmalka Frank-Walter Steinmeier
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Lavrov oo gacan qaadaya dhiggiisa dalka Jarmalka Frank-Walter Steinmeier
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa ku dhaleeceeyey Midowga Yurub mowqifka ay ka qaateen xasaradda siyaasadeed ee dalka Ukraine. Waxaa uu sheegey in Midowga Yurub uu isku dayayo inuu abuuro goob uu saameyn siyaasadeed ku yeesho isagoo Ukraine ku cadaadinaya inay doorato xiriir dhow oo ay la yeelato EU, farahana ka qaaddo xiriirka uu la leeyahay Ruushka.

Lavrov waxaa uu hadalkan ka jeediyey Moscow, mar ay si wadajir ah shir jaraaid u qabteen isaga iyo wasiirka arrimaha dibedda ee Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier.

Lavrov waxaa uu sheegey in xaaladda ay iska caddahay isla markaana hadalada ka soo baxaya Midowga Yurub ay taasi muujinayaan.

Dhankiisa, Steinmeier waxaa uu u muuqdey mid fikirkaas la qaba Lavrov, isagoo sheegey inaaney ahayn in Ukraine laga dhigto aalad loo adeegsado tartanka siyaasadeed ee gobolka. Waxaa uu sheegey in shacabka Ukraine ay tahay in loo oggolaado inay iskooda u raadiyan xal siyaasadeed oo ay mashaakilaadkooda ku soo afjaraan.

Maalintii Isniinta, Midowga Yurub waxaa uu ku baaqey in dowlad cusub laga soo dhiso Ukraine, kadibna ay ku xigaan doorashooyin madaxweyne oo xor ah. Hase yeeshee EU warkeeda kuma xusin wax cunaqabateyn ah oo lagu soo rogayo dalkaasi.

Banaanbaxyada looga soo horjeedo dowladda ayaa ka sii socda caasimadda dalka ee Kiev, waxaana dadka dibadbaxyada dhigaya ay dalbanayaan in Madaxweyne Viktor Yanukovych uu is casilo.

Banaanbaxyadan ayaa dalka ka dillaacey bishii November markii Mr Yanukovych uu diiday inuu saxiixo heshiis ganacsi oo waddankiisa la galo Midowga Yurub, taa beddelkeedana uu qalinka ku duugey heshiis iskaashi oo uu la yeesho Ruushka.
XS
SM
MD
LG