Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Meel Ku dhow Garoonka Muqdisho


A man talks on his mobile phone as he walks at the scene of an explosion near the entrance of the airport in Somalia's capital Mogadishu, Feb. 13, 2014.
A man talks on his mobile phone as he walks at the scene of an explosion near the entrance of the airport in Somalia's capital Mogadishu, Feb. 13, 2014.
Ugu yaraan 6 ruux ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen 10 ka bandanna ay ku dhaawacmeen, ka dib markii weerar lagu qaday gaari ay la socdeen shaqaale ka tirsan hay,adda Xaqootiga ee Qaramada Midoobay, meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Fariin la soo dhigay barta Internetka ayaa Ururka al-Shabab waxa uu ku sheegtay Masuuliyadda weerarkan oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaxa qarxa, laguna dhuftay gaari ay la socdeen shaqaalaha Qaramada Midoobay.
Illo ku dhow dhow hay’adaha Amaanka ee Somali ayaa u sheegay VOAda in mid ka mid ah Kolonyada Qaramada Midoobay ee la beegsaday ay saareyd, wakiilka UNHCR ee Somalia Allesandra Morelli.

Dhinaca kale Qaramada Midoobay ayaa dhaleeceysay weerarkii maanta Muqdisho loogu geystay shaqaalaheda.

Qaramada Midoobay waxey sheegtay in ugu yaraan lix ka mid ah dad wada iska marayay ay ku dhinteen Qaraxa , sideed kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeen Magaalada Geneve uga hadlay UNHCR (Daniel MakaIsaak) ayaa u sheegay Laanta Afka Somaliga ee VOA in weerarkii maanta aaney cidina wax kaga noqon shaqaalaha Qaramada Midoobay.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay Magaalada Muqdisho ka dhacayeen falal amaan darro oo ay ku jireen hoobiyeyaal lala beegsaday qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Ururka Al-Shabaab ayaa ka baxay Muqdisho muddo labo sano haatan laga joogo, waxaase ay dagaalyanadiisu weeraro ka geysanayeen magaalada Muqdisho tan iyo markaa.

Dadka arimaha Somalia ka faalooda ayaa qaba in Al-shabab ay weeraradeeda u xoojisay si ey uga hortagto, duulaan military oo ciidamada dowladda Somalia, iyo kuwa Midowga Africa oo ay haatan Ethiopia ku soo biirtay, ay qorsheynayaan inay ku qaadaan, dhulka weli gacanta Al-shabab ku jira.
XS
SM
MD
LG