Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cabdirisaaq Xaaji oo Muqdisho lagu Aasay


Aaska Marxuum C/risaaq
Aaska Marxuum C/risaaq
RW hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho kadib markii maanta maydkiisa halkaasi laga dajiyay.

Marxuumka ayaa salaaddii janaasada waxaa loogu tukaday masaajidka weyn ee isbahaysiga, waxaana lagu aasay qabuuraha Ceel-Cirfeed ee duleedka Muqdisho, halkaasi oo horey loogu aasay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Adan Cabdulle Cismaan.

Aaska marxuum C/risaaq waxaa ka qeybgalay madaxda DFS, madax ka kala socota Puntland, Jubba iyo wafuud kale duwan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goobta aaska ka hadlay ayaa sheegay in geerida C/risaaq ay mideysay dadka oo dhan, isagoo marxuum ku tilmaamay shaqsi wadani ah oo tusaale u noqon kara dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa Jimcihii hore ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

C/risaaq wuxuu xilka Ra'iisul-wasaarenimo ee Soomaaliya soo qabtay intii u dhaxeysay 1964-1967.
XS
SM
MD
LG