Isku xirrada

Nuland oo Booqaneysa Ukraine


Ukraine US

Ukraine US

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Victoria Nuland ayaa maanta Ukraine wadahadalo kula leh Madaxweyne Viktor Yanukovych iyo taageerayaasha mucaaradka.

Socdaalka Nuland waxay ku soo beegmeysaa maalin kadib markii madaxa arrimaha dibedda ee Yurub Catherine Ashton ay booqatey caasimadda Ukraine ee Kyiv, iyadoo banaanbaxyada dowladda looga soo horjeedo ay weli socdaan.

Go’aankii Madaxweyne Yanukovych uu dib uga noqdey heshiiskii ganacsi ee Midowga Yurub, isla markaana uu ka doorbiday xiriir dhow oo uu la yeesho Ruushka ayaa dhaliyey banaanbaxyo siyaasadeed oo toddobaadyo socdey.

Banaanbaxyada ayaa kuwo rabshado wata isku bedeley bishii hore markii dadka dibadbaxyada dhigaya ay isku dhaceen ciidamada booliska. Dhowr qof ayaa ku dhintey rabshadahaasi.

Dhanka kale Ruushka ayaa ku yaboohay gargaar dhaqaale oo gaaraya 15 bilyan oo dollar oo uu siinayo Ukraine si ay wax uga qabato dhibaatooyinka dhaqaale ee haysta.

Hase yeeshee Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegey in lacagtaasi aan la bixin doonin ilamaa dowlad cusub laga soo dhiso Kyiv.

Mr. Yanukovych ayaa dhanka kale aqbaley is casilaadda raiisul wasaaraha, waxaana uu laaley sharciga muranka dhaliyey ee ka dhanka ahaa dadka banaanbaxyada dhigaya.

Laakiin dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa dalbanaya in madaxweynugu uu qaado talaabooyin intaa ka badan oo xitaa ay ku jirto inuu is casilo.
XS
SM
MD
LG