Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pakistan oo Taliban la Xaajooneysa


Pakistan Taliban Talks
Pakistan Taliban Talks
Wakiillo ka socda dowladda Pakistan iyo ururka Taliban ee Pakistan ayaa bilaabay wadahadalo la doonayo in lagu soo afjaro rabshadaha dhiigga badan ay ku daateen.

Wararka ayaa sheegaya in wareeggii koowaad ee wadahadalada ay maanta ka bilowdeen goob aan la shaacin oo ku taalla magaalada Islamabad, kadib laba maalmood oo dib loo dhigey, markii saraakiisha dowladda ay iman waayeen kulanka.

Wakiiladan ayaa bilowgii kulanka la filayey inay isla meel dhigaan ajendaha wadahadalka nabadeed.

Dagaalka ay waddo kooxda Taliban ayaa waxaa ku dhintey kumanaan qof, iyadoo kooxda Taliban ay dooneyso inay soo dhisto dowlad madaxbanaan oo Islaami ah.

Taliban waxay weli ku adkeysaneysaa dhaqangelinta sharciga Islaamka, halka dowladduna ay doonayso in la dhiirigeliyoo xorriyad ku saleysan dimoqraadiyadda.

Dadka dhaleeceeya dowladda ayaa ku eedeeyey dowladda Raiisul Wasaare Nawaz Sharif inay horey kooxda Taliban uga qaadatey mowqif dabacsan.
XS
SM
MD
LG