Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Hala Joojiyo Colaadda J. Afrikada Dhexe


Jen Psaki
Jen Psaki
Mareykanka ayaa ku boorinaya shacabka dalka Jamhuriyadda Afrikada Dhexe inay ka faaideystaan taageerada beesha caalamka iyo dowladdooda cusub ee KMG si loo soo afjaro dagaalada muddada sannadka ku dhow saameeyey waddankooda.

Afhayeen u hadashey Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Jen Psaki, ayaa sheegtey in Mareykanku uu si weyn uga walaacsan yahay weerarada diimaha ku saleysan ee ay isku hayaan Muslimiinta iyo Masiixiyiinta, khasabna ay tahay in colaadda la joojiyo.

Waxay sheegtey in Jamhuriyadda Afrikada Dhexe aaney nabad iyo xasilooni gaari karin hadii aaney dhamaan qeybaha kala duwan ee is haya aaney eegin mustaqbalka, isla markaana aaney joojin rabshadaha ku saleysan aargoosiga.

Maalintii Arbacada, ciidamada dowladda ayaa waxa lagu eedeeyey inay ka qeyb qaateen dilka nin lagu tuhmayey inuu ka tirsanaa jabhadda Seleka ee horey u afgembiyey madaxweyne Francois Bozize bishii March.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegey in ciidamada ay gacan ka geysteen jirdilka iyo inay toorey la dhacaan ninkaasi ka hor intaaney meydkiisa ku jiidin waddooyinka.

Sawiro lagu soo bandhigay televishanka ayaa muujinayey nin ku joogjoogsanaya meyd qaawan, iyadoo askartuna ay joogeen meel aan sidaa uga fogeyn.

Falkani waxaa uu ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Bangui, wax yar kadib markii madaxweynaha cusub ee KMG ah Catherine Samba-Panza ay ku bogaadisey ciidamada dadaalkooda ku aaddan dib isu uruursiga iyo dib isu abaabulkooda, sannad kadib afgembigii dhacay.

Agaasimaha arrimaha degdegga ee hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, Peter Bouckaert ayaa magaalada ku sugnaa xiligaasi, isla markaana arkey weerarka
XS
SM
MD
LG