Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sarkaal Reer Rwanda oo la Maxkamadeynayo


France Genocide Trial
France Genocide Trial
Maxkamad ku taala dalka Faransiiska ayaa furtey dacwaddii ugu horeysey ee la xiriirta xasuuqii Rwanda ka dhacay sannadkii 1994kii.

Dacwadda ayaa lagu soo oogay sarkaal hore uga tirsanaa ciidamada Rwanda oo magaciisa la yiraahdo Pascal Simbikangwa. Waxaa lagu soo eedeeyey inuu hub iyo macluumaadba siiyay malishiyaadka Hutu-ga mayalka adag markii ay socdeen weeraradii ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 800,000.

Eedeysanahan 00 54 jir ah, kuna socda kursiga dadka naafada ah, ayaa haddii dembi lagu helo muteysan kara xabsi daain. Waxaa uu dafirey inuu galey dembiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Waxaa qaadista dacwaddan si weyn u soo dhoweeyey qareennada u dooda xuquuqda aadanaha, oo horey ugu eedeeyey Faransiiska inaanu qaadin talaabooyin ku filan oo lagu joojin karey xasuuqa iyo in sharciga la horkeeno kuwii tacaddiyadaasi geystey.

Faransiiska ayaa xiriir dhow la lahaa dowladdii uu hoggaaminayey madaxweynihii hore ee Rwanda, General Juvenal Habyarimana, kaas oo dhimashadiisa o ka dhalatey burburka diyaaraddii sidday, ay sababtey gummaad lagula kacay dadka u dhashey qowmiyadda Tutsiga iyo Hutu-ga qunyar socodka ah.

Simbikangwa ayaa ka cararay Rwanda xasuuqa kadib, waxaana laga soo qabtey jasiiradda uu Faransiisku maamulo ee Mayotte sannadkii 2008.

Qareennadiisa ayaa walaac ka qaba inuu heli waayo xukun caddaalad ah,maadaama aaney jirin marqaatiyaal difaacaya.
XS
SM
MD
LG