Isku xirrada

War Deg-Deg ah

WHO: Kansarku Wuu sii Kordhayaa


Ururka Caafimaadka Adduunka, qeybta ugu qaabilsan cudurka kansarka ayaa warbixin cusub oo uu soo saarey waxaa uu ku xusey in kiisaska dadka qaba xanuunkan la filayo inay sare u kacaan 57 boqolkiiba labaatanka sanno ee soo socda. WHO waxay sheegtay in arintan ay dhalineyso in loo baahdo helista xeelado cusub oo ka hortag ah.

Warbixinta Kansarka Dunida oo maanta la soo saarey, ayaa saadaal ka bixineysa waxa ay ku tilmaantey “ masiibo aadminimo”. Waxay sheegtey in tirada dadka qaba kansarka oo qiyaas ahaan ah 14 milyan sannadkan 2014ka, ay gaari doonto 22 milyan sannadkiiba labaatanka sanno ee soo socda. Tirada dhimashada dadka u dhinta kansarka oo haatan gaareysa 8.2 million sannadkiiba ayaa sare u kici doonta oo gaari doonta ilaa 13 milyan oo qof sannadkiiba.

Kororka tirada dadka qaba kansarka, oo loo aaneeyo dadka da’da ah, ayaa lagama maarmaan ka dhigeysa in si weyn diiradda loo saaro barnaamijyo caafimaad oo ka hortag ah, sida dhimista cabbista sigaarka, yareynta khamrada ama alcohol-ka, cunnooyinka sonkorta badan iyo in dadku ay mar walba sameeyaan baaritan caafimaad oo jirka oo dhan ah.

Cilmibaarista ayaa sheegeysa in kansarka ka dhasha caabuqa sida kan ku dhaca xubnaha xubnaha taranka ee dumarka iyo beerka looga hortagi karey iyadoo sii baahsan loo isticmaalo tallaalka.

Warbixintu waxay kaloo sheegtey in kororka tirada dadka qaba xanuunka kansarka ay si weyn u saameyn doonto dalalka soo koraya, kuwaas oo aan haysan agab iyo dhaqaale ku filan oo ay ku maareeyaan barnaamijyadooda caafimaadka.

In ka badan 60 boqolkiiba kiisaska dadka uu ku dhaco kansarka ayaa ku nool Africa, Asia, Bartamaha iyo Koonfuur America, waxaana goobahan ka dhaca 70 boqolkiiba dhimashada dadka qaba xanuunka kansarka.
XS
SM
MD
LG