Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo Magdhow Siinaysa Turkiga



War lagu shaaciyey wargeys ka soo baxa Israel, ayaa sheegaya in xukuumadda Israel ay ku yaboohday 20 milyan oo dollar oo magdhow ahaan loo siinayo qoysyaska dadkii lagu diley weerarkii ciidamada Israel ku qaadeen markab gargaaar u sidey marinka Gaza, sannadkii 2010ka.

Wargeyska Haaretz, oo soo xiganaya diblomaasiyiin reer galbeed oo magacyadooda la qariyey oo lagu wargeliyey wadaxaajoodka socda, ayaa sheegay in Turkiga aanu weli jawaab ka bixin lacagta magdhowga ee ay Israel ku yaboohday.

Xiriirka u dhexeeya Israel iyo Turkiga ayaa aad u xumaadey markii ciidamada sida gaarka u tababaran ee Israel ay weerareen markabka Mavi Marmara, kaas oo ku sii jeeday Gaza si uu gargaar ugu geeyo shacabka halkaasi ku dhaqan.

Israel ayaa xiligaasi sheegtey in Turkiga uu jebinayey xayiraaddii saarneyd marinka Gaza, isla markaana ciidamada Israel ay fureen rasaas ay isku difaacayeen.

Xukuumadda Ankara ayaa dalbatey raaligelin buuxda iyo magdhow la siiyo qoysaskii sagaalkii qof ee la diley iyo dhowr kale oo la dhaawacay.

Wadaxaajoodyadan ayaa bilowday horaantii sannadkii la soo dhaafey, kadib markii Israel ay raaligelin buuxda siisay Turkiga.

Haaretz ayaa sheegtey in wadahalada ay hakadeen muddo dhowr bilood ah, balse dib loo soo nooleeyey bishii December, markii ergo ka socotay Israel ay tageen Istanbul, iyadoo xukuumadda Turkigana ay dhankeeda hoos u dhigtay dalabaadkeedii ku saabsanaa magdhowga.

Wargeyska waxaa uu sheegey in Turkiga uu dalbanayey 30 milyan oo dollar, taas oo laba jeer ka badnayd 15 milyan oo dollar oo ay hore Israel u oggolaatey inay bixiso.

Wargeysku waxaa kale oo uu sheegey in Raiisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu go’aansadey inuu lacagta magdhowga gaarsiiyo 20 milyan oo dollar, isla markaana uu ergada Israel siiyey rukhsad ay 3 milyan oo dollar oo dheeri ah ugu daraan lacagta magdhowga si heshiis loo gaaro.
XS
SM
MD
LG