Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al Qaacida oo Xiriirka u Jareysa Urur ka Jira Syria


Ururka Al Qaacida ayaa sheegey inuu xiriirka u jarayo koox miliishiya ah oo ka dagaalameysa Syria.

War uu maanta soo saarey ururka ayaa lagu sheegey in xiriirka loo jaro kooxda loo yaqaano Dowladda Islaamiga ee Ciraaq.

Dhab ahaanshaha warkan ayaan si madaxbanaan loo caddeyn karin, laakiin waxaa lagu soo bandhigey bogagga internetka ee badanaa ay adeegsadaan Al Qaacida.

Hoggaamiyaha Al Qaacida, Ayman al-Zawahiri ayaa sannadkii hore kooxdan ku amrey inay iskeeda u hawlgasho, iyadoo ka madax banaan kooxda kale ee la yiraahdo Nusra, kooxdaas oo iyana ka mid ah Islaamiyiinta xiriirka la leh Al Qaacida ee ku sugan Syria.

Hase yeeshee kooxda Dowladda Islaamiga ee Ciraaq ayaa iska dhegatirtey amarka Zawahiri, waxayna sii wadeen hawlgaladooda dalka Syria.

Qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka Syria ayaa ku eedeynaha kooxdan inay isku dayeyso inay xoogeysato, halkii ay kala dagaalami lahayd ciidamada Madaxweyne Bashar al-Assad. Kooxda Dowladda Islaamiyiinta Ciraaq ayaa badanaa waxay dagaalamaan kooxaha kale ee falaagada Syria.
XS
SM
MD
LG