Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uganda: Kama Baxayno Koonfuurta Sudan


South Sudan
South Sudan
Uganda ayaa sheegtey inaaney si buuxda ciidamadeeda ugala soo bixi doonin Jamhuriyadda Koonfuurta Sudan, inkastoo walaac badan laga muujiyey in sii joogitaankooda uu caqabad ku yahay in nabad lagu soo dabbaalo dalkaasi.

Ciidamada Uganda ayaa waxay door weyn ka qaateen hakinta dagaalyahanada mucaaradka Koonfuurta Sudan, iyo weliba kaalintii ay ka qaateen dib u qabsashada magaalada Bor oo dhanka waqooyi ka xigta caasimadda.

Heshiiskii xabbad joojinta ee toddobaadkii ay wada gaareen dowladda Koonfuurta Sudan iyo falaagada ayaa waxaa uu dhigayey oo kale in degdeg ay dalka uga baxaan ciidamada labada dhinac kala taageeraya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Uganda Sam Kutesa oo ka hadlayey kulan madaxeed gaar ah oo waddamada IGAD ay ku barbar qabteen shirka Midowga Afrika ee Addis Ababa, ayaa sheegey in ciidamadooda aaney ka bixi doonin goobaha ay ka joogaan Koonfuurta Sudan. Waxaa uu sheegey in doorkoodu uu ahaa inay falaagada ka joojiyaan inay ku sii fidaan dalka, balse ciidamada dowladda ay ahaayeen kuwa halwgalada dagaalka ku jirey, cid kalena aaney taageerin.

Bishii December ayaa ciidamada Uganda waxay galeen Koonfuurta Sudan iyagoo ka jawaabaya dalab kaga yimid dowladda magaalada Juba ka dhisan, markii khilaaf siyaasadeed uu ka dhex dilaacay xisbiga talada haya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Koonfuurta Sudan,Barnaba Marial Benjamin, ayaa difaacey joogitaanka ciidamada Uganda, isla markaana sheegey inay dalka joogeen dagaalkii dhowaan dhacay ka hor, si ay u la dagaalamaan dagaalyahannada jabhadda Lord’s Resistance Army ee uu horkacayo Joseph Kony.
XS
SM
MD
LG