Isku xirrada

Shir-madaxeedkii Afrika oo Addis ka Furmay


Madaxda 54-ta dal ee ururka Midowga Afrika ayaa shir labo maalmood qaadanaya ku kulmaya magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, iyaga oo culeyska saari doona sidii loo soo afjari lahaa dagaalada ka socda dalalka S. Sudan iyo Central Africa, isla markaana looga hadli lahaa xaaladaha bani’aadaminimo ee dalalkaas ka jira.

Arrimaha nabadda iyo amniga ayaa ajendaha meel sare kaga jira shirkaas oo Khamiista maanta ah bilaabmay.

Erastus Mwencha oo ah kuxigeenka guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa Idaacadda VOA u sheegay in Afrika ay ka mahad celinayso taageerada bulshada caalamka ee xagga arrimaha amniga, hase yeeshee loo baahan yahay in, marka ugu dambeysa, uu xalku gudaha ka yimaaddo.
XS
SM
MD
LG