Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul Wasaaraha Ukraine oo Istiqaalada Dhiibay


Ra’isul Wasaaraha Ukrainia Mykola Azarov ayaa yaboohay inuu is casilayo, talaabadaas oo qeyb ka ah dadaal ay dowladdu ku dooneyso inay ku dhiiri geliso, siyaasad meel dhexe ay isugu yimaadaan mucaaradka iyo dowladda.

Barta Internetka ee ay leedahay dowladda Ukraine ayaa ku dhawaaqay warkan maanta oo Talaada ah, boggaas oo soo daabacay war qoraal ah oo uu ku Mr. Azarov, oo uu ku sheegay inuu doonayo inuu dhiirigeliyo siyaasad fur furan oo tanaasul la isu sameeyo.

Yabooha is casilaadda Ra’isul Wasaare Azarof ayaa imaanaya, ka dib laba bilood o ay dalkaasi ka socdeen mudaaharaadyo, oo dhawaanahan isu bedelayay isku dhacyo dhex marayay booliska iyo dadka mudaaharaadyada dhigayay.

Mr. Azarof waxa uu sheegay inuu rajeynayo in iscasilaadiisa , oo weli sugeysa aqbalaada Madaxweyne Viktor Yanukovych, inay dalkaasi ka abuuri doonto fursad xal nabadeed loogu helo, mushkiladaha siyaasadeed ee dalkaasi ka taagan.

Go’aanka Ra’isul Wasaaraha ayaa sidoo kale daba socda kulamo ay yeesheen Madaxweynaha iyo hogaamiyeyaasha mucaaradka.

Laakiin , Mr. Yanukovych ayaa diiday aragti soo jeedineysay in cafis loo fidiyo dadka ay dowladdu u xir xirtay dibad baxyada socda, isagoo shuruud uga dhigay in mudaaharaadayaasha ay ka baxaan dhamaan dhismooyinka dowladda ee ay kaga suganyihiin dalkaasi oo dhan.
XS
SM
MD
LG