Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xabbad-joojin laga Gaaray Dagaalka S. Sudan


Qeybaha dagaalamaya ee dalka S. Sudan ayaa Khamiistii shalay wada saxeexday heshiis xabad joojin ah oo la filayo inuu soo afjaro toddobaadyo dagaal qaraari uu ka dhex socday dawladda iyo mucaaradka.

Wufuuddii ka kala socotay madaxweynaha dalka Salva Kiir iyo mucaaradka ayaa Khamisitii shalay heshiiskan ku gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Ururka IGAD ayaa dhexdhexaadinta ka shaqeeyey.

Labada dhinac ayaa labo heshiis kala saxeexday. Ka koowaad ayaa labada dhinacba ugu yeeraya in sida ugu dhakhsaha badan xabadda loo joojiyo, lagana fogaado wixii keeni kara in dagaal mar kale uu dhaco. Heshiiska labaad ayaa ka hadlaya sii deynta maxaabiista la kala hayo.

Magaalada Washington, madaxweynaha Maryakanka Barack Obama ayaa sheegay in xabad joojintani ay timid mid xilli xasaasi ah timid iyo taalabo loo qaadayo dhinaca nabad taabba gasha.

Faahfaahinta ayaa Maxamed Cabdi Sandhere waxa uu ka wareystay Fiidow Maxamuud Fiidow oo ah suxufi ku sugan magaalada Khartuum ee dalka Sudan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:53 0:00
XS
SM
MD
LG