Isku xirrada

Ciidanka Ethiopia oo ku Biiray AMISOM


የኢትዮጵያ ወታደሮች በሶማሊያ

የኢትዮጵያ ወታደሮች በሶማሊያ

Ku dhawaad 4,000 oo askari oo ciidamada Ethiopia ka tirsan ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Somalia.

Taliska AMISOM ayaa sheegay in ciidamadan ay xoojin doonaan hawlgalada AMISOM ee ay qaramada midoobay taageerayso ee lagula dagaalamayo kooxda al Shabaab.

Ciidamada AMISOM ayaa qorshaynaya inay weerarro ku qaadaan goobaha ay wali ka sii taliso kooxda al Shabab.

Weeraradan oo sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM lagu wado inay qaadaan unugyo ka tirsan ciidamada Kenya, Uganda iyo Burund, waxaana laga laga fulinayaa gobolada Shabeelada hoose iyo Shabeelada dhexe.

Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xaamud ayaa waraysi gaar ah siiyay VOA ayaa faahfahin ka bixiyay arrintan.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso warysiga afhayeenka AMISOM.

XS
SM
MD
LG