Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afrikada Dhexe oo Madaxweyne Cusub Yeelatey


Madaxweynaha Cusub ee Afrikada Dhexe
Madaxweynaha Cusub ee Afrikada Dhexe
Mudaneyaasha baarlamanka ee Jamhuriyadda Afrikada Dhexe ayaa duqa magaalada caasimadda ah ee Bangui u doortey inay noqoto madaxweynaha KMG ee dalka.

Catherine Samba-Panza ayaa ku soo baxdey wareeg labaad oo codeyn ah, iyadoo codad gaaraya 75-53 kaga adkaatey Desire Kolingba oo ah wiil uu dhaley madaxweynihii hore ee Jamhuriyadda Afrikada Dhexe.

Hawsha ugu weyn ee hortaala ayaa ah inay isku daydo joojinta rabshado iyo dagaalo diimaha ku saleysan oo dhowr bilood dalka ka socdey. Dagaaladaasi ayaa waxaa ku barakacay ilaa 900,000 oo qof.

Samba-Panza waxay bedeleysaa madaxweynihii hore ee KMG, Michel Djotodia, oo is casiley 10 kii bishi January, markii la saarey cadaadis caalami ah, isagoo ku guuldareystey inuu joojiyo rabshadaha socda.

Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub, ayaa iyaguna magaalada Brussels kaga dhawaaqey inay meel mariyeen qorshe ciidan boqolaal gaaraya loogu dirayo Jamhuriyadda Afrikada Dhexe. Hawlgalka Midowga Yurub waxaa uu kaabi doonaa 1,600 oo ciidamo Faransiis ah iyo ku dhowaad 5,000 askari oo ka socda Midowga Afrika, kuwaas oo haatan dalkaasi ka hawlgala.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa sheegey inuu bixinayo 30 milyan oo dollar oo dheeri ah si wax loogu qabto baahida degdegga ee arrimaha aadaminimo eek a taagan Jamhuriyadda Afrikada Dhexe.

Inkastoo ay dalka ku sugan yihiin ciidamo nabad ilaalin ah oo caalami ah, hadana waxaa weli socda dagaalka u dhexeeya Muslimiinta iyo dadka Masixiyiinta ah.

Hay’adda gargaarka aadamiga ee Save the Children ayaa sheegtey in ugu yaraan 22 qof ay ku dhinteen meel ku dhow magaalada Bouar maalintii Jimcaha, markii la weerarey gawaari siddey Muslimiin ka cararayey dagaalada diimaha ku saleysan ee socda.
XS
SM
MD
LG