Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Caleema Saarka Axmed Madoobe


Magaalada Kismaayo waxa maanta ka dhacdey xaflad lagu caleema saarayey hoggaamiyaha maamulka KMG ee Juba ee koonfuurta Somalia, Ahmed Mohamed Islam (Ahmed Madobe).

Waxaa munaasabada xafladaasi ka soo qeyb galey wufuud ay ka mid ahaayeen Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Baarlamanka Somalia Mudane Jeylani Nur Ikar, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Somalia, Nicholas Kay iyo mas’uuliyiin kale.

Afhayeenka maamulka Juba, Abdinasir Seeraar Maax ayaa VOA u sheegey in xafladda ay si wanaagsan u dhacdey.

Hadaba shir jaraaiid oo ay magaalada Muqdisho ku qabteen siyaasiyiin ka soo jeeda goboladda Jubbooyinka ayaa waxay kaga hor yimaadeen caleema saarka Kismaayo loogu sameeyey hoggaamiyaha maamulka KMG ee Juba Ahmed Mohamed Islam (Ahmed Madobe).

War saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen siyaasiyiintaasi oo wax ka saxiixey shirkii dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka ee Muqdisho ka dhacay ayaa waxay ku sheegeen in Ahmed Madobe uu jebiyey heshiisyadii Addis Ababa iyo Muqdisho.
War saxaafadeedka ay siyaasiyiintan soo saareen ayaa waxaa ku saxiixnaa Abdi Shire Warsame, Abdi Baaley Xuseen, Iftiin Xasan Baasto, Omar Burale Ahmed iyo Mohamed Amin Abdullahi.
XS
SM
MD
LG