Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo Lagu Casuumay Kulan Nabadeedka Syria


Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah ugu casuuntay Iran inay ka qeyb gasho wada hadalada nabadeed ee Syria, wadahadaladaa oo la qorsheeyay in maalinta Arbacada ah ay ka furmaan dalka Switzerland.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa u sheegay wariyeyaasha Axadii shalay inuu aaminsanyahay in Iran loo baahanyahay inay qeyb ka noqoto xalka Syria, isla markaana Wasiirka Arimaha Dibadda ee Javad Zarif uu u xaqiijiyay in Iran ay fahamsantahay waxa wada hadaladan aas aaska u ah.

Iran ayaa in muddo ahba diidaneyd wada hadalkan oo qorshihiisa lagu dejiyay kulan caalami ah oo dhacay sanadkii 2012kii, maxaa yeelay Iran waxey aaminsantahay in dowlad ku meel gaar ah oo loo dhiso Syria ay meesha ka saareyso Madaxweynaha Syria oo ay xulufo dhow yihiin Iran,bashar al-Assad.

Isbaheysiga ugu weyn mucaaradka Syria ee , Syrian National Coalition, ayaan dooneyn in Iran ay qeyb ka noqoto wada hadalada nabadeed, waxeyna ku sheegeen fariin ay soo dhigeen bartooda internetka in shirkaasi ay qaadici doonaan ilaa Mr. Ban uu Iran kala laabto casuumaadda.
XS
SM
MD
LG