Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bashar al-Assad: Qorshaha Iiguma Jirto Iscasilaad


FILE - Syrian President Bashar Assad
FILE - Syrian President Bashar Assad

Madaxweynaha Syria ayaa sheegay in qorsha uusan ugu jirin inuu xukunka ka dego.

Madaxweyne Bashar al-Assad, oo la hadlayay mudanayaal ka tirsan baarlamanka Ruushka Maanta oo Axad ah ayaa sheegay in hadii ay xukumadda Syria is dhiibeyso ay talaabadaa qaadi laheyd, bilowgii rabshadaha dalka Syria.

Madaxweyne Assad ayaa sheegay in arinta iscasilaadiisa aysan aheyn mid xitaa gor gortan gali karta.

Waxaa kaloo hadalada Mr. Assad ay ku soo beegmayaa iyadoo maalmo un ay inaga xigto – wada hadalo nabadeed oo caalamku uu gar wadeen ka yahay oo dalka Switzerland ku dhex maraya xukumadda Syria iyo mucaaradka.

Wadahadaladan ayaa lagu wadaa inay ka bilowdan magaalada Geneva 22ka bishan.

Mucaaradka siyaasadeed ee ugu weyn kooxaha Mucaaradka Syria ayaa u codeeyay Sabtidii shalay inay ka qeyb galaan wada hadalada.

Hase yeeshee, qaar badan oo ka mid ah hogaamiyeyaasha mucaaradka ayaa diiday inay ka qeyb galaan, hadii uusan jirin balanqaad ah in Madaxweyne Assad uu xukunka ka degayo.

Xukumadda Syria ayaa u aragta kooxaha mucaaradka oo dhan argagixiso , waxeyna isku dayday in diiradda saaran wada hadalada nabadeed ee la doonayo in dowlad cusub loogu dhiso Syria, loo weeciyo dhinaca la dagaalanka waxey ugu yeertay xag jirnimada.
XS
SM
MD
LG