Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadka Masar oo Taageeray Dastuurka Cusub


Saraakiisha dalka Masar ayaa sheegay in aftidii loo qaaday dastuurka cusub ee Masar ay dadku 98% taageereen dastuurka cusub.

Codeyntan aftida looga qaadayay dadka Masar oo dhacday maalmihii Talaadada iyo Arbacada ayaa natiijada uu guddiga Doorashooyinka uu ku dhawaaqay, waxey muujisay in 98.1%, dadka wadankaasi ee codadkooda dhiibtay ay ogolaadeen Dastuurka.

Meel marinta Dastuurka Cusub ayaa muhiim u ah siyaasadda xilli kala guurka Masar ee rabashadaha badan ay hareeyeen, kuwaa oo ka soo bilowday ridistii madaxweynihii dalkaasi mudada dheer ka talinayay, Xusbi Mubarak, sanadkii 2011kii, kuwaa oo markii dambe isu bedelay kuwo iska soo horjeeda oo lagu kala taageersanyahay Madaxweyne Mursigii la soo doortay ee Xisbiga Ikhwaanul Muslimiinka iyo Xukumdda KMG ah ee uu Miltarigu Baritaaro ee bedeshay markii xoog ay milatarigu u inqilaabeen.

Malaayiin dadka ree Masar ah ayaa xukunkii Mursi ku mudaaharaaday bishii July ee sanadkii la soo dhaafay, taasoo keentay in Generalka ugu sareeya ciidamada Gen. Abdel Fattah Al Sisi inuu la wareego awoodda dalka, ka dibna uu ku wareejiyo maamul KMG ah oo uu soo magacaabay.

Generalku wuxuu meesha ka saaray dastuurkii Masar ee hore ee lagu murmay ee la qoray xiligii Mursi uu madaxweynaha aha, wuxuuna ku dhawaaqay Khariiradad cusub oo siyaasadeed, oo aftidan dadku ay dhiibteenna ay qeyb ka aheyd .

Dastuukan oo ay soo diyaariyeen guddi 50 xubnood ka kooban oo uu Generalka soo magacaabay, ayaa wuxuu dhaqan gali doonaa maalmaha soo socda, doorashooyin cusub oo Madaxweyne iyo baarlamanna waxaa la filayaa in la qabto ka hor xilli kuleylaha soo socda.

Sida uu sheegay Guddiga Sare ee Doorashooyinka Masar, 38.6% dadkii isu diwaan geliyay codeynta Aftida ayaa u soo baxay codeyntii todobaadkan, tiradaa oo ka yara sareysa tii 2012kii oo aheyd 33% boqolkiiba in dadku ay aftidooda dhiibteen.
XS
SM
MD
LG