Isku xirrada

Obama: NSA waa la xakamaynayaa


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa shaaca ka qaaday in dib u eegis iyo dib u habayn lagu samayn doono hanaanka ay wakaaladda Nabadsugidda ee maraykanka ee NSA ay dabagalka u samayso.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay isbeddelo cusub oo ay ku jirana in gebi ahaanba la joojiyo in la basaaso madaxda caalamka, iyo in hay’adaha garsoorku ay dusha kala socdaan ururinta iyo kaydinta malaayiin telefoonnada ay muwaadiniinta Maraykanka adeegsadaan.

Obama waxa uu sheegay in dawladdu sii wadi doonto ururinta macluumaadka telefoonnada balse ay wareejin doonto kaydintooda marka la gaadho dhammaadka bisha March ee sannadkan kadib marka uu Aqalka Koongareesku talobixin keeno.

Madaxweynaha ayaa isbeddelladana kaga dhowaaqay hadal uu ka jeediyey Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanka.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso warbixin iyo waraysi ku saabsan khudbadda madaxweyne Obama

XS
SM
MD
LG