Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaaxada aan Dawada Karin ee Koonfur Africa


.
.
Warbixin ay soo saartey jariidad ka hadasha arrimaha caafimaadka ayaa sheegtey in Koonfuur Afrika ay shacabka ku sii deysey dad qaba nooc xanuunka qaaxada ah oo aaney dawada karin.

Daraasaddan oo lagu soo bandigey jariidada The Lancet , ayaa lagu soo ogaadey 107 qof oo qaba qaaxada aaney dawada karin oo ku sugnaa saddex gobol oo ku yaala Koonfuur Africa intii u dhexeysey 2008 iyo 2012.


Warbixinta ayaa sheegtey in 78 bukaan oo ka mid ah kuwa daraasadda lagu ogaadey ay dhinteen, iyagoo weliba heley daweyn ka kooban lix ilaa toban nooc oo dawo ah.

Hase yeeshee, in ka badan afartan qof oo qaba nooca khatarta ah ee qaaxada ayaa isbitaalada laga fasaxay, iyadoo aan lagu sameyn dabagal dheeri ah.

Cudurka qaaxada ayaa ka dhasha bakteeriya inta badan aafeysa sambabada, waxaana faafiya qufaca iyo hindhisada. Nooca qaaxada aan la daweyn karin ayaa loo yaqaanaa XDR-TB.

Keertan Dheda oo ka tirsan Jaamacadda Cape Town, isla markaana horkacayey daraasaddan ayaa sheegey in bukaanka la fasaxaya ay khatar weyn ku yihiin dadka kale, waayo muddo dhowr bilood ama sanno ayay sii noolaan karaan, iyagoo markaasi bulshada ku faafinaya viruska XDR-TB."

Mid ka mid ah bukaanka isbitaalada laga soo fasaxay ayaa virus-ka XDR-TB u gudbiyey walaalkiisa, labadoodana ay markii dambe xanuunkaasi u dhinteen.

Mr Dheda waxaa uu talo ahaan soo jeediyey in la helo hab cusub oo casri ah oo suuragelinaya in bukaanadaasi kagu daweeyo goobo ka fog bulshada inteeda kale.
XS
SM
MD
LG