Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia iyo Somaliland oo Kulan uga Furmay Turkey


Wadahadallada Somalia Somaliland
Wadahadallada Somalia Somaliland
Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ka furmay wareeg kale oo wadahadallo oo u dhexeeya dawladda Soomaliya iyo maamulka Somaliland. Wadahadalladan ayaa la sheegay inay kasoo bixi karto khariirad loo raaco xal ugu dambayn laga gaaro qodobada xasaasiga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed oo hoggaaminaya ergada dawladda Soomaaliya, ayaa VOA u sheegay in wadahadalladan ay jawi fiican ku furmeen, isagoo sheegay inay kuwii hore ka duwanaan doonaan.

Dhinaca kalena, wasiirka Arirmaha Dibedda ee ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa VOA u sheegay in ajandahoodu meel u yaallo, oo aanay marnaba gor-gor kagali dooni gooni-isu-taaga Somalia.

Labada wareysi qeybta hoose ka dhageyso.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:11:43 0:00
XS
SM
MD
LG