Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyn Jonathan oo Eryey Taliyihiisii Ciidamada


Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan ayaa xilka ka qaadey taliyihii guud ee ciidamada, isla markaana isbeddel ku sameeyey madaxda ciidamada badda iyo cirka.

War ka soo baxay xafiiska madaxtooyada ayaan lagu bixin faahfaahin ku saabsan sababta ka dambeysa isbeddelkan.

Talaabadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo Nigeria ay hardan adag ugu jirto soo afjarista rabshadaha muddada afarta sanno iyo barka socdey ee ay wadaan kooxda Islaamiyiinta ee Boko Haram.

Weerar bambaano oo maalintii Talaadada ka dhacay magaalada Maiduguri oo ay ku xooggan yihiin Boko Haram, ayaa waxaa ku dhintey ugu yaraan 43 qof.

Mr. Jonathan ayaa dhanka kale waxaa soo wajahdey dhibaato kale oo ah in xubno ka tirsan xisbigiisa talada haye ee People's Democratic Party (PDP) ayaa xisbiga isaga tegayaan, iyadoo doorashadu ay hal sanno ka harsan tahay.

Madaxweynaha ayaa Air Marshal Alex Badeh u magacaabey inuu noqdo taliyaha guud ee cusub ee ciidamada, waxaana uu beddelayaa Admiral Ola Sa'ad Ibrahim.

Major General Kenneth Tobiah Jacob Mimimah ayaa isna noqonaya madaxa cusub ee taliska guud ee ciidamada. Admiral Usman Jibrin aya isna noqonaya taliyaha cusub ee ciidamada badda, halka Marshal Adesola Nunayon Amosu uu noqonayo taliyaha cusub ee ciidamada cirka.
XS
SM
MD
LG