Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Thailand: Shinawatra oo Diiday inay iscasisho.


Ra'iisul-wasaaraha Thailand Yingluck Shinawatra ayaa sheegtay inaysan dhag jalaq u siin doonin iscasilaadda ay dalbanayaan mucaaradka, iyadoo maalintii labaadna magaalada caaasimadda ay ka socdaan mudaharaadyo waaweyn.

Mrs. Shinawatra ayaa maanta oo Salaasa ah weriyayaasha u sheegtay inay haysato waajibaad dastuuri ah oo dhigaya inay RW sii ahaato, waxayna sheegtay in iskaashi iyo wadahadal lagu xalin karo mushkilladda iyo ismarin-waaga siyaasadeed ee Thailand ka socda muddada bisha ah.

Shinawatra, waxay sheegtay inay marar badan ku celisay inay haysato waajibaad ay tahay inay fuliso sida uu qabo dastuurku, kadib markii ay kala dirtay baarlamaanka. Waxayna sheegtay inay saaran tahay mas'uuliyad ay inay si KMG xilka u sii hayso.

Shinawatra waxay sheegtay inaysan ku dhaganayn xilkeeda, laakiin ay doonayso inay sii wado xasiloonida siyaasadeed ee Thailand.


Hadalkna ayay jeedisay, iyadoo kumannaan mucaarad ah ay maalintii labaad soo buuxiyeen waddooyinka magaalada Bangkok, iyagoo ruxaya calamo, kuna dibadbaxaya bannaanka hore ee daaraha dowladda isku day ay ku doonayaan inay ku kharbudaan shaqada dowladda.

Hoogaamiyaha mucaaradka, oo ahaa RW kuxigeenkii hore, Suthep Thaugsuban, ayaa sheegay inuu la sii wadi doono dibadbaxyada, isagoo xitaa ku hajabaya inuu xidho doono RW Shinawatra haddii aysan sida ugu dhakhsiyaha badan xilka uga dagin.

XS
SM
MD
LG