Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad ku dhintey Doon ku qalibantey K/Sudan


Africa Violent 2014
Africa Violent 2014
Milatariga Jamhuriyadda Koonfuurta Sudan ayaa sheegey in doon siddey dad u badan haween iyo carruur oo ka cararayey dagaalka ka socda waqooyiga dalka ay qalibantey, ayna dhinteen ugu yaraan 200 oo qof.

Afhayeen u hadley ciidamada oo magaciisa la yiraahdo Philip Aguer ayaa sheegey in shilkaasi uu ka dhacay webiga Nile-ka Cad meel ku dhow magaalada Malakal.

Madaxa arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobay Toby Lanzer ayaa sheegey in dagaalo cusub ay ka qarxeen gudaha iyo hareeraha magaalada Malakal, oo ah xarunta gobolka saliidda hodanka ku ah ee Upper Nile.

Lanzer waxaa uu sheegey in tirada dadka shacabka ee magangelyada weydiistey xarunta Qaramada Midoobay ee Malakal ay sare u kacdey, ayna gaartey 19,000, halkii ay horay uga ahayd 10,000 maalintii Jimcaha.

Dhinacyada dagaalka uu ka dhexeeyo ee Koonfuurta Sudan ayaa la filayaa inay mar kale wadahadalo fool ka fool ah ku yeeshaan magaalada Addis Ababa, iyagoo ka wada xaajoonaya heshiis xabbad joojin ah oo la doonayo in lagu soo afjaro colaadda taagan.

Heshiiska xabbad joojinta ayaa waxaa caqabad ku noqdey dowladda oo diidday inay sii dayso 11 siyaasiyiin oo ay horey u xirtey, falaagaduna ay doonayaan in marka hore la soo daayo ka hor intaan wax heshiis ah la kala saxiixan.

Ciidamada dowlada ee daacadda u ah Madaxweyne Salva Kiir Mayardit ayaa dagaal kula jira ciidamo falaago ah oo ka amar qaata Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee dalka Riek Machar
XS
SM
MD
LG