Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar oo Afti Dastuur loo Codeynayo


Shacabka reer Masar ayaa bilaabay inay u codeeyaan afti lagu go’aaminayo meel marinta dastuur cusub oo taageero ka haysta dowladda KMG ee militarigu taageero.

Goobaha codbixinta ayaa la furey subaxnimadii Talaadada, iyadoo codeyntan dhanka kale loo arko inay tahay afti loo qaadayo in taliyaha guud ee ciidamada Masar, General Abdulfatah Al Sisi uu u tartamo jagada madaxtinimada iyo in kale. Al Sisi waxaa uu talada ka tuurey bishii July madaxweynihii hore Mohamed Morsi.

Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee uu ka tirsan yahay Mr Morsi ayaa ku booriyey shacabka Masaarida inay qaadacaan aftida, isla markaana ay dhigaan banaanbaxyo nabadeed oo ay kaga soo horjeedaan hanaanka la wado oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid sharciga ka baxsan.

Khubarada arrimaha Masar ayaa saadaalinaya in aftidan dastuurka loo qaadayo si sahlan ay ku meel mari doonto.

Aftida loo qaadayo dastuurka ayaa imanaysa sannad kadib markii Mr Morsi uu saxiixey dastuurkii hore dalka uga jirey inuu noqdo sharci.

Qoraalka cusub ee dastuurkan ayaa meesha ka saari doona qodobo dhowr ah oo Islaamiyiinta u janjeerey b, iyo in xuquuqo dheeri ah la siiyo dumarka, isla markaana la xoojiyo awoodda milatariga.

Qorshe siyaasadeed ay soo jeediyeen milatariga ayaa ugu baaqaya in aakhirka sannadkan ay qabsoomaan doorashooyin baarlaman iyo kuwo madaxweynaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa walaac ka muujisey wararka sheegaya in dad u ololeynayey in dastuurka “MAYA” loogu codeeyo ay xireen ciidamada amaanka.
XS
SM
MD
LG