Isku xirrada

Cumar Cusmaan: Anigu Sucuudi Baan Ahay


Wargeysyada kasoo baxa dalka Sucuudiga iyo meelo kale ayaa qoraya in dalka Somalia loo mastaafuriyey nin lagu magacaabo Cumar Cusmaan oo dhalashadiisa muran la galiyey.

Wargeysyada kasoo baxa dalka Sucuudiga iyo meelo kale ayaa qoraya in dalka Somalia loo mastaafuriyey nin lagu magacaabo Cumar Cusmaan oo dawladda Sucuudigu sheegtay inuu yahay nin Soomaali ah, dalkana uu sharci-darro kusoo galay, hase yeeshee, isagu sheegay inuu dalka Sucuudiga ku dhashay, jinsiyadiisana uu haysto.

Cumar Cusmaan ayaa lagu sheegay inuu yahay suxufi, isla markaana u dhaqdhaqaaqo arrimaha bani’aadaminimada.

Haddaba faahfaahinta mastaafurintan ayaa Ibrahim Xasan Daanduray waxa uu ka wareystay Maxamed Cali Biixi oo ah suxufi ku nool magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga, waxana uu marka hore ka hadlayaa waxa arrintan ka jira.

XS
SM
MD
LG