Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ajaanib laga Daad-gureeyey Afrikada Dhexe


Hay’adda Caalamagi ah ee Socdaalka ee IOM ayaa Sabtidii shalay daad-gureysay dad ajaanib ah oo ku xayirnaa dalka Afrikada Dhexe, ka dib markii hay’adda uu codsi uga yimid dalalka dariska la ah Afrikada Dhexe.

Daadgureyntan oo dhinaca hawada ah ayaa timid ka dib markii madaxweynihii dalkaas Michel Jotodia iyo Ra’iisal wasaarihiisii NicolasTiengaye ayaa Jimcihii is-casileen. Is-casilaadda ayaa timid ka dib shir madaxeed labo maalmood ka socday dalka Chad, kaas oo uu qabtay ururka ECCAS ee ay ku bahoobeen dalalka bartamaha Afrika ku yaalla.


Hogaamiyeyaasha ururka ECCAS ayaa sheegay in wadahadal uu ka dhici doono xarunta dalka Afrikada dhexe ee Bangui, si go’aan looga gaaro ciddii hogaanka dalka qaban lahayd. Talaabadan ayaa timid ka dib bilo bilood oo gacan ka hadal darani uu dalkaas ka socday.

Ma jirin wax hadal oo ka soo baxay madaxweyne Jotodia oo ku sugnaa caasimadda Chad ee Enjameena, shir-madaxeedkana ka qeyb galay.
XS
SM
MD
LG