Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ariel Sharon oo Geeriyooday


Ariel Sharon, ra'iisul-wasaarihii hore ee Israel ayaa ku geeriyooday cisbitaal u dhow magaalada Tel Avid kadib markii uu muddo siddeed sanno ah uu xanuunsanaa isla markaana uu miyir-doorsoonaa. Sharon ayaa ahaa 85 jir.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in Sharon uu maanta oo Sabti ah geeriyooday.

Sharon, wuxuu Israel uu ahaa askari geesi ah oo ka qeybgalay dagaallo Israel ay gashay Carabta, gaar ahaa dagaalkii Yom Kippur ee 1973, halkaasoo ciidamada Israel ay ku galeen gacanka Suez.

Ariel Sharon, wuxuu ka qeybqaatay weerar lagu qaaday magaalada Beirut ee dalka Lebanon, waxaana lagu eedeeyaa inuu mas'uul ka ahaa xasuuq loo geystay boqolaal Falastiiniyiin ah oo ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Sabra iyo Shatila 1982.

Dadka Falastiniyinta waxay ku tilmaameen inuu ahaa nin arxan-darran oo ahaa dilaa.

Sannadkii 2001 ayuu noqday Ra'iisul-wasaaraha Israel.

Sannadkii 2006 ayuu Sharon xanuusaday, waxaana madaxa uga furmay dhiig, isagoo galay xaalad miyirdoorsanaan ah.
XS
SM
MD
LG