Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afar Soomaali ah oo ku Dhintay Maraykanka


kcrg - Photo from the Fayette County Sheriff's Office
kcrg - Photo from the Fayette County Sheriff's Office
Afar qof oo Soomaali ah oo saddex ka mid ah ay dumar yihiin ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay gobolka Iowa ee dalkan Maraykanka.

Abdi Axmed Maxamed "Guulwade" oo ka mid ah Soomaalida degan gobolka Iowa ayaa VOA u sheegay in afartan qof ay ahaayeen hal qoys oo isdhalay oo kala ahaa Hooyo, wiil iyo gabar ay dhashay iyo gabar ay edo u tahay.


Mas'uulliyinta ayaa sheegaya in shilkan oo ka dhacay magaalada Postville ee Iowa uu dhashay kadib markii baabuurka ay Soomaalidu wateen ay isku dhaceen baabuur kale oo weyn.

Shilkan ayaa waxaa ku dhaawacmay darawalkii baabuurka weyn waday iyo qof kale oo rakaab ahaa oo la saarnaa.
XS
SM
MD
LG