Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muranka Diblomaasi ee Maraykanka iyo India


Diblomaasi u dhashay dalka India oo lagu magacaabo Devyani Khobragade ayaa la amray inay ka baxdo dalka Maraykanka ka dib markii lagu eedeeyey inay been ka sheegtay codsi fiise ay u qaadi lahay qof iyada guriga uga shaqeeya.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in Khobragade ay illaa fiidnimadii Khamiistii ay ku sugneyd dalka Maraykanka, hase waxa uu sheegay inuu filayo inay dhakhso dalka uga baxdo.

Khobragade ayaa ahayd kuxigeenka Qunsulka India ee magaalada New York, Hase yeeshee, dalka India ayaa keenay codsi shaqadeeda loogu beddelayo xarunta QM, arrintaas oo uu Maraykanku ogolaaday, iyadana siinaysa xasaanad diblomaasiyadeed.

Markii ay heshay xasaanadda buuxda ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanku ay India weydiisatay in xasaanadda Khobragade laga tanaasulo si markaa dambiyada lagu eedaynayo uu Maraykanku ugu qaado, arrintaas oo ay India diidday.

Afhayeenka Maraykanka ah ayaa sheegay in eedaymaha loo haysto aan laga noqon doonin marka ay waddanka ka tagto, isla markaana lagu qaadi doono haddii ay Maraykanka kusoo noqoto.
XS
SM
MD
LG