Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dawladda iyo Go'aanka Shabaab ee Internetka


Ururka al Shabaab ayaa ku amray shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya inay joojiyana dhammana adeegyada Internetka, hase ahaate Dawaldda ayaa arrintaa ku gacansaydhay

Al-Shabab ayaa si gaar ah u mamnuucay Internetka laga galo moobaylada carsiga ah iyo weliba adeegga Fiber optic oo ah habka ugu casrisan uguna xawaaraha dheereeya ee internetka ku shaqeeyo.

Al-Shabab waxay sheegtay in aaladahan casriga ay saacidayaan sirdoonka reer galbeedka, waxayna ku hanjabtay in shirkaddii fulin weyda cawaaqib la kulmi doonto.

Shirkadaha isgaarsiinta ayaa loo qabtay muddo 15 maalmood ah inay ku fuliyaan amarkan.

Af-hayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, oo u warramay VOA ayaa go’aankan ku tilmaamay mid aan suurtagal ahayn.

Qaybta hoose boggan ka dhegayso waraysiga afhayeenka madaxweynaha iyo falanqayn ku saabsan saamaynta ay arrintan yeelan karto.

please wait

No media source currently available

0:00 0:11:51 0:00
XS
SM
MD
LG