Isku xirrada

Guddoomiyaha Baarlamaamka Puntland oo la Doortay

  • Nuux Birjeeb

Doorashada Puntland

Doorashada Puntland

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta Saciid Xasan Shire yu doortay inuu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ee 5-ta sanno ee soo socota. Saciid oo wasiir ka soo noqday maamulka Puntland, ayaa tartanka guddoomiyenimo uga badiyay C/rashid Maxamed Xirsi.

Guddoomiyaha cusub ayaa helay 40 ka mid ah 66-ka xildhibaan ee baarlamaanka maamulka Puntland.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale maanta doortay laba guddoomiye ku xigeen.

Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maalinta Arbacada ah soo dooran doono madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana doorashadan u tartami in ku dhow labaatan musharrixiin oo uu ku jiro madaxweyne C/raxmaan Faroole.





XS
SM
MD
LG