Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooxaha Koonfurta Suudaan oo Addis ku Kulmaya


Wakiilo ka socda Koonfuurta Sudan iyo falaagada ayaa wadahadal uga furmey dalka Ethiopia.

Wakiilada urur goboleedka IGAD ayaa filayaa inay ka shaqeeyaan sidii ay heshiis xabbad joojin ah u dhaqangelin lahaayeen si ay u joojiyaan dagaalka sokeeye ee saddexda toddobaad ka socda dalkan curdanka ee dhowaan xoriyaddiisa qaatey.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia ayaa sheegtey in wadahadalada ay maanta bilowdeen, waxayna intaa ku dartey in urur goboleedka IGAD uu ka go’an yahay gacan inuu ka geysto sidii loo xalin lahaa khilaafkan iyagoo waddo kasta u maraya.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Madaxweyne Salva Kiir iyo madaxweyne ku xigeenkiisii hore Riek Machar ayaa waxaa ku dhintey in ka badan kun qof.

Labada dhinac ayaa weli dagaalamaya, xilli ay wadahadaladu bilowdeen.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegayaa inay ku sii siqayaan magaalada Bor, oo ah xarunta gobolka Jonglei, oo ilaa 200 km dhanka waqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah ee Juba.

Hase yeeshee, taliyeyaasha mucaaradka ayaa ka digey inay iyaguna isku diyaarinayaan inay u dhaqaaqaan dhanka magaalada caasimadda ah ee Juba.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Juba ayaa amartey in la soo daadgureeyo shaqaale dheeri ah, sababo la xiriira xaaladda oo sii xumaaneysa.
XS
SM
MD
LG