Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ergo ka socota Kiir iyo Machar oo Kulmaya


Ethiopia ayaa sheegtey in dowladda Koonfuurta Sudan iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar ay ergo u dirsanayaan magaalada Addis Ababa si ay u yeeshaan wadahadalo nabadeed.

Dowladda Ethiopia ayaa wadahadaladan shaacisey maanta oo Talaado ah, kuna beegan waqtiga kama dambeysta ah ee urur goboleedka IGAD u qabtey labada dhinac inay yeeshaan wadahadalo fool ka fool ah.

Koonfuurta Sudan waxaa muddo ka badan laba todoobaad ka socdey dagaal, iyadoo dagaalo cusubna ay dib uga dilaaceen magaalada dekedda leh ee Bor, oo toddobaadkii hore ay ciidamada dowladda qabsadeen.

Wakaaladda Wararka Faransiiska oo soo xiganeysa afhayeen u hadley falaagada ayaa sheegtey in dagaalyahanno taageersan Machar ay dib u qabsadeen Bor.

Dagaaladan cusub ee Bor ayaa ku soo beegmaya iyadoo Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay ku baaqayaan xabad joojin degdeg ah.

Golayaasha Amniga ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa sheegey inay khasab tahay in degdeg ay u wada hadlaan Madaxweyne Salva Kiir iyo Machar.

Midowga Africa ayaa sidoo kale ku booriyey dowladda Mr Kiir inay xabsiga ka sii deyso hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee xiran, waxana uu ku hanjabey inuu cunaqabateyn ku soo rogi doono cid alaale ciddii lagu helo hurinta colaadda.
XS
SM
MD
LG