Isku xirrada

S. Sudan: Xoogag kusoo Fool leh Magaalada Bor


Ciidanka militariga ee dalka South Sudan ayaa sheegay in kumanaan dhalinyaro ah oo hubeysan, daacadna u ah madaxweyne kuxigeenkii xilka laga qaaday, Riek Machar ayaa kusoo jeedaan magaalada uu ciidanka dawladdu qabsaday ee Bor. Arrintan ayaa imanaysa xilli bulshada caalamku ay ku hawlan tahay xabbad-joojin dalkaas ka hirgasha.

Philip Aguer oo Afhayeen u ah militariga dalka ayaa Sabtidii shalay Idaacadda VOA u sheegay in xoogag raacsan Mr. Machar oo lagu magacaabo “White Army” ay qorsheynayaan inay weeraraan magaalada Bor oo horaantii toddobaadkan ay ciidanka dawladdu qabsadeen. Dhalinyarada hubeysan ayaa la qabiil ah Mr. Machar oo ku abtirsada qabiilka Nuweerka, halka madaxweyne Salva Kiir iyo kuwa daacadda u ahina ay ka soo jeedaan qabiilka Dinkaha.

Afhayeenka Militariga ayaa sheegay in ciidanka ku sugan magaalada Bor ay dib u celin karaan weerarka ku soo foolka leh.
XS
SM
MD
LG