Isku xirrada

QM oo Qorsheynaysa in Ciidan la Geeyo S. Sudan


Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-moon ayaa weydiiyey Golaha Ammaanka in sida ugu dhakhsaha badan uu dalka South Sudan loogu diro ciidan nabad ilaalineed oo gaaraya 5,500. Ujeedada ciidanka ayaa ah in la ilaaliyo dadka shicibka ah.

Golaha Ammaanka ayaa lagu wadaa in uu galabta u codeeyo qaraar dalkaas lagu geynayo ciidanka QM ee ku sugan goobo kale oo qaaradda Afrika ah.

Talaabadan Qaramada Midoobay ayaa imanaysa iyada oo dalka Maraykanka uu kordhiyey dadaaladiisa dimblomaasiyadeed ee uu ku dajinayo xiisadda isirka ku saleysan ee ka jirta dalka South Sudan. Maraykanka ayaa sidoo kale ciidan gobolkaas ka jooga geynaya dalkaas haddii loo baahdo.

Ergeyga gaarka ah ee Maryakanka u qaabilsan dalka South Sudan Donald Booth ayaa Isniintii shalay la kulmay madaxweynaha South Sudan Salva Kiir, waxana uu Mr. Booth warfidiyeenada u khadka telefoonka ugu sheegay in madaxweyne Kiir uu doonayo in la dhameeyo dagaalka u dhexeeya isaga iyo madaxweyne kuxigeenkiisii hore Riek Machar.
XS
SM
MD
LG