Isku xirrada

War Deg-Deg ah

S. Sudan: Dad Maraykan ah oo la soo Daadgureeyey


Dalka Maraykanka ayaa sheegay in si nabad ah uu muwaadiniintiisa uga soo daad gureeyey magaalada ay mucaaradku haystaan ee Bor ee dalka K. Sudan. Dagaalka u dhexeeya mucaaradka iyo dawladda ayaa wali socda.

Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegay muwaadiniinta Maraykanka ah iyo muwaadiniinta dalal ay bah-wadaag yihiin laga soo qaaday magaalada Bor, lana geeyey magaalada caasimadda ah ee Juba. Dayuuradaha helicopterka ah ee QM iyo kuwa ganacsiga ah ee Maraykanka ayaa dadkan soo daad gureeyey.

Hawlgalkan ayaa yimid maalin uun ka dib, markii ciidanka Maraykanku uu sheegay in 4 ka mid ah ciidanka Maraykanka ay dhaawacmeen markii dabley ay xabado ku fureen dayuurad Maraykanka oo hawlgalkan oo kale ku jirtay.

Axaddii shalay ayaa Madaxweyne Obama uu Congresska u sheegay in laga yaabo in talaabooyin dheeraad ah uu qaado si loo ilaaliyo nabadgelyada dadka Maraykanka ah ee K. Sudan.
XS
SM
MD
LG