Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'isul Wasaare Cabdiwali oo la Ansixiyay


Xubnaha Baarlamanka Somalia ayaa maanta kalsoonida siiyay Ra'isul Wasaaraha cusub ee Somalia ee dhawaan la magacaabay Cabdiwali Sheekh Axmed.

Ra'isul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa xubnaha Baarlamanka ay ku ansixiyeen 239 cod, laba mudane ayaa diiday, halka laba kalena ay ka aamuseen.

Ra'isul Wasaaraha cusub Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa ansixintiisa ka dib

durbadiiba lagu dhaariyay xubnaha baarlamanka hortooda.












Ra'isul Wasaaraha cusub oo siyaasadda ku cusub ayaa ah dhaqaalayahan la soo shaqeeyay Bangiga Aduunka, Bangiga Islaamka iyo hay'ado kale oo maaliyadeed.

Waxa uu bedelayaa Ra'isul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo dhawaan uu baarlamanka kala noqday kalsoonida.












Kalsooni kala noqoshada Ra'isul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa timid ka dib muran muddo ka dhex taagnaa isaga iyo Madaxweynaha.
XS
SM
MD
LG