Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiirada IGAD oo la Kulmay Salva Kiir


Salva Kiir, Madaxweynaha Koonfurta Suudaan
Salva Kiir, Madaxweynaha Koonfurta Suudaan
Wasiiradda arrimaha dibedda ee ururka IGAD ee ku sugan caasimadda Jubba ee Koonfurta Sudan oo la kulmay madaxweyne Kiir ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin inay dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyo ay xal dhex-dhigaan.

Wasiiraddan oo ka kala socda dalalka Somalia, Ethiopia, Djibouti, Kenya, Uganda ayaa maanta kulamo la qaatay Mweynaha Koonfurta Sudan.

Fowsiya Yusuf Xaaji Aden, wasiirka arrimaha dibedda ee Somalia oo wafdigan ka mid ah ayaa VOAda uga warrantay kulan ay la yeehseen Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir.

Waraysiga oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:32 0:00
XS
SM
MD
LG