Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kiir: Wadahadal Ayaan la Galayaa, Machar


Madaxweynaha Koonfur Sudan Salva Kiir ayaa sheegay inuu doonayo inuu wada hadalo la yeesho Madaxweyne ku xigeenkii hore , ee dalkaasi Riek Machar, oo uu ku eedeynayo inuu ka dambeeyay af-gambi la doonay in xukunka looga rido.

Qaramada Midoobay ayaa qiyaaseysa ,in afar maalmood oo uu dagaal ka socday caasimadda dalkaasi ee Jubba, ay ku dhinteen ilaa iyo shan boqol oo qof.

Xog hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa u sheegay wariyeyaasha inuu ku booriyay madaxweyne Kiir inuu wada hadalo la yeesho ragga ka soo horjeeda isla markaana uu wada shaqeyn u muujiyo Qaramada Midoobay xiligan ay xaaladu gebi dhacleyneyso.

Mr. Ban waxa uu sheegay in dad gaaraya ilaa iyo 20 kun oo qof ay megan galeen ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Sudanta Koonfureed ku sugan.
XS
SM
MD
LG