Isku xirrada

Dhakhaatiir Somali iyo Syrian ah oo Muqdisho lagu Dilay

Somali soldiers gather near the destroyed restaurant in Mogadishu, Somalia, Saturday, Sept, 7, 2013. Police in Somalia say two explosions against a restaurant frequented by government workers has killed at least 15 people. Early reports indicated that a c

Dabley ayaa duleedka magaalada Muqdisho ku weerarey koox dhakhaatiir ah oo isugu jirey Somali iyo kuwo u dhashey Syria, halkaas oo ay lix qof ku dileen.

Weriyaha VOA ee Muqdisho ayaa sheegayaa in weerarkaasi oo ka dhacay waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye lagu diley saddex dhakhtary oo Suuriyan ah, dhakhtar Soomaali ah iyo laba ruux oo kale oo iyana Soomaali ah oo saarnaa gaariga la weerarey.

Wararku waxay sheegayaan in halkaasi uu ku dhaawacmey dhakhtar kale oo u dhashey Suuriya.

Dhakhaatiirtan la weerarey oo ka hawlgala Rugta Caafimaadka Al Faqi ee Muqdisho ayaa xiliga weerarka uu dhacayey u socdey isbitaal kale oo ku yaala meel ka baxsan caasimadda.

Ururka Al Shabab oo mararka qaar ay dagaalyahanadooda ka hawlgalaan degaanka uu weerarka ka dhacay ayaa sheegay inaaney lug ku lahayn dilka dhakhaatiirtaasi
XS
SM
MD
LG