Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Salva Kiir: Afgambi Ayaan Fashilinay


Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan Salva Kiir ayaa amray bandow kaidb markii sida uu sheegay ay afgambi isku dayeen askarta madaxweyne ku xigeenkiisii hore.


Mr. Kiir waxa uu sheegay Isninta maanta ah in dawladdu ay si buuxda gacanta ugu hayso caaismadda Jubba halkaasi ay rasaas cuklus xalay la isku weydaarsaday xero milatari.

M ajiraan ilaa hadda warar ku saabsan khasaaraha dhacay.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyey ciidmao gacan-saar la leh Riek Machar, oo ah siyaasi ay kala aragti duwan yihiin, bishii Juulayna uu cayriyey isagoo ahaa madaxweyne u xigeen.

Hilde Johnson, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Koonfurta Suudaan ayaa ugu baaqay dhinacyada dirirta ku lug leh inay ka fogaadaan dagaalka. Waxay sheegtay inay xiriir la samaysay hoggaamiyayaasha muhiimka ah ayna ka codsatay inay isdejiyaan.

Hawlgalka QM ee Koonfurta Suudaan ayaa sheegay in boqollaal qof oo rayid ah inay gabbaad ka dhigteen dhismahooda, waxayna beeniyeen inay gabbaad siinayaan xubno ku jira siyaasadda ama milatariga.
XS
SM
MD
LG