Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay magaalada Nairobi


Qaraxa Nairobi
Qaraxa Nairobi
Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegtay in ugu yaraan 4 qof ay dhinteen in kabadan 30-na ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada Nairobi.

Qaraxan ayaa ahaa bam gacmeed lagu tuuray baabuur bus ah oo lagu soo warramayaa inuu u socday xaafadda Eastleigh oo ah goobta ay degan yihiin Soomaalida ku nool magaalada Nairobi.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee Nairobi ka dhaca tan iyo markii weerarka lagu qaaday suuqa ganacsiga ee Westage bishii Septemer, halkaasi oo ay ku dhinteen in ku dhow 70 qof, weerarkaasi waxaa sheegtay inay ka danbeeyeen ururka al-Shabab.
XS
SM
MD
LG