Isku xirrada

Kim Jong Un oo Dilay Adeerkii


Xukumadda Kuuriyadda Waqooyi ayaa sheegtay in la dilay Jang Sang Thaek oo adeer u ah hoggaamiyaha Kim Jong-Un

Mr. Thaek ayaa ilaa xilli dhow ahaa ninka ugu awoodda badan maamulka shuciyaa ee dalkaasi ka dhisan.

Warkaalada wararka KCNA ayaa sheegtey in Jang Thaek la diley Khamiistii kadib markii lagu helay qiyaano qaran.

Mr. Thaek oo la xiray Axaddii ayaa maxkamad militari ku eedeysay inuu doonayay inuu xukunka dalkaasi awood kula wareego, sidoo kale waxaa lagu eedeeyay musuqmaasuq, la tumasho dumar, iyo isticmaalka daroogooyin.

XS
SM
MD
LG