Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul-wasaaraha Cusub oo lagu Dhawaaqay


Ra'iisul-wasaare Cabdiweli
Ra'iisul-wasaare Cabdiweli
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u magacaabay C/weli Sheekh Axmed inuu noqdo ra'iisul-wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in C/weli uu yahay shaqsiga ugu habboon ee shaqadan qaban kara isla markaana sii wadi kara dib u dhiska dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in C/weli uu leeyahay waayo-aragnimo ku aadan dhaqaalaha iyo horumarka, isagoo la soo shaqeeyay hay'addo caalami ah.

Ra'iisul-wasaaraha cusub ee la magacaabay ayaa ah dhaqaale-yahan la soo shaqeeyay bangiga horumarinta Islaamka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in RW cusub uu muddo gaaban ku sameyn doono isbeddel, wuxuuna baarlamaanka ka codsaday inay kalsooni siiyaan.

Ra'iisul-wasaaraha cusub ayaa baddali doona RW Saacid oo dhawaan baarlamaanka Soomaaliya ay kalsoonidii kala noqdeen.

Kala soco VOA taariikhda Ra'iisul-wasaaraha cusub.
XS
SM
MD
LG